Better Health Channel
betterhealth.vic.gov.au Department of Health
betterhealth.vic.gov.au Department of Health
  • Waxaad ilmahaaga ka caawin kartaa sidii aad uu uga soo kaban lahayd dhacdo welwel ama cabsi leh. Dhacdooyinkaas waxaa ka mid noqon kara: shilal baabuur, dabka kaymaha iyo daadadka, xanuun degdeg ah ama dhimasho ku timid qof ka tirsan qoyska, fal-dembiyeed, xadgudub ama rabshad.
  • Carruurtu waxay eegi doonaan: sida aad adiguba ula tacaasho marxaladaha noocaas oo kale ah, sida aad uga falceliso dareenkooda iyo dhaqankooda.
  • Talooyinkani waxay kaa caawin karaan inaad kala hadasho ilmahaaga khibradahooda. Waa muhiim inaad ugu sheegto ilmahaaga xaqiiqada, qaab ay u fahmi karaan oo ku haboon da'dooda.
  • Waxaad markasta raadsan kartaa caawimo aad ka helayso qof xirfad leh. Meesha ugu fiican oo aad wax ka bilaabi karto waa GP-ga qoyskaaga.

Give feedback about this page

More information

Reviewed on: 28-07-2025